Madaxweynaha dalka turkiga ayaa dawladda masar ku eedeeyay dhimashada madaxweynahii hore waddanka masar, maxamed morsi.

Recep deyib erdogan, ayaa xusay in maamulka madaxweyne sisi ay tahay in uu wajaho cadaaladda, lana geeyo maxkamadaha caalamka.

Mohamed morsi, oo ahaa hogaamiyaha uruka ikhwanu muslimin oo imika masar laha mamnuucay, ayaa dhintay maalintii isniinta xili lagu maxkamadaynayay magaalada caaasimadda ah ee qahira.

Morsi oo ahaa madaxweynaha kaliya ee si xor ah loosoo doortay taariikhda masar, waxa sanadkii 2013kii afganbiyay ninka lagu mgacaabo abdulfatah alsisi oo imika ah madaxwynaha masar. Markaas oo la geeyay xabsi-guri, kahor intaan ka gaynin xabsiga.

Madaxweyne erdogan oo isu-soobax doorasho ka hadlayay isagoo ku sugan magaalada istanbul, wuxuu xusay in muddo 20 daqiiqo ah uu morsi ku dhibanaa gudaha maxkamadda, manay jirin wax taageero ah oo loo fidiyay. Taasina waa sababta aan u leeyahay morsi uu dhiman ee waa la dilay, ayuu yidhi madaxweynaha turkigu.
Erdogan wuxuu wacad ku maray in dawladdisu ay maamulka masar la tiigsan doonto maxkamadaha caalamka, si mori uu u helo cadaalad.

Maalintii salaasada ayay qaramada midoobay soo jeedisay in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo qaabkii uu u dhintay madaxweyne morsi. Xili ay soo badanayaan eedaymaha tilmaamaya in maamulka sisi uu kasoo shaqeeyay dilka ahu mohamed morsi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga