Doorashooyinka madaxtinimda iyo Baarlamaanka ee dalka nigeria oo lagu waday in ay qabsoonto maanta oo sabti ah ayaa dib loo dhigay muddo Todobaad ah.

Gudida Doorashooyinka dalkan ku yaala Galbeedka Qaarada afrika ayaa ku dhawaaqay dib u dhaca doorashada, xili ay shan saacadood oo kaliya ka hadhsanayd in albaabda loo furo goobaha codbixinta ee guud ahaan dalka nigeria.

Gudoomiyaha gudida doorashooyinka dalka nigeria, maxamuud yakubu ayaa sheegay in sababo farsamo loo baajiyay codbixinta si loo qabto Doorasho xor iyo xalaal ah.

Gudida doorashoooyinka ayaa go’aankan ku dhawaqay kadib kulan degdeg ahaa oo ay ku yeesheen magaalada abuja ee caasimada dalka nigeria.

Labada xisbi ee ugu waawayn dalka nigeria, waa xisbiga taalada haya ee loo yaqaano APC iyo xisbiga mucaaridka ah ee PDP ayaa cambaareeyay go’aanka dib udhaca doorashada iyadoo midba ka kale ku eedeeyay in uu wado wax isdaba marin.

Mudooyinkii ugu danbeeyay xarumo badan oo uu leeyahay komishanka doorashooyinku ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo la burburiyay kumanaan kaadh oo loogu tala galay codaynta.

Ma aha markii ugu horaysay ee dib ay u dhacdo doorashada madaxtinimda ee dalka ugu dadka badan qaarada afrika ee nigeria, tiraba dhaw jeer oo hore ayay sidan oo kale dhacday.

In kabadan 84-million oo ka mid ah shacabka nigeria ayaa u diwaangashan in ay codeeyaan doorashadan la asteeyay in ay dhacdo wiig ka dib.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga