Ugu Yaraan 12 Qof oo Itoobiyaan ah ayaa Lagu Dilay Hawl-Gal Ciidan oo Ka Dhacay Huteel Ku Yaala Magaalada Mooyaale, oo Dhacda Xadka Itoobiya ay La Wadaagto Dalka Kenya, Sida ay Ku Warantay Warbaahinta Gudaha Itoobiya.

Mashaqada ayaa Dhacday Xili ay Ciidan Federaal ahi La Hadlayeen Maleeshiyaad Kasoo Kala Jeeda Qoomiyadaha Ku Dagaalamay Deegaanka Mooyaale ee Soomaalida iyo Oromada.

Ilo-wareedyo Kala Duwan iyo Dadka Deegaanka ayaa Ku Waramay in Rabshaduhu ay Socdeen Dhawr Cisho, tan iyo Markii uu iska horimaadku Ka Bilaabmay Magaalada, Halkaas oo Lagu Dilay Tiro Dad ah.

Wali Lama Sheegin Sababta iska Horimaadka Sababay, Balse Waxa La Maqlayay Rasaas Goosgoos ah oo Ka Dhacaysa Magaalada Dhexdeeda.

Dadka La Laayay ayaa Ku Sugnaa Huteel Lagu Magacaabo Bekele Molla Hotel oo Ku Yaala Magaaladan Xuduudka Ku Taala ee Mooyaale.

Dhacdadan ayaa Kusoo Beegmaysa Xili uu Socdo Wadda hadal u Dhexeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya, Ciidanka Gobolka iyo Maleeshiyaadka Qabaa’ilka Borana iyo Garre oo Kasoo Kala Jeeda Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo Dhawr Jeer Ku Dagaalamay Deegaanka Mooyaale.

Labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromda ayaa isla Qaatay in ammaanka Magaalada Mooyaaale Gacanta Laga Galiyo Ciidanka Federaalka.

Deegaanka Mooyaale, ayaa Lagu Bartay Dagaalada Soo Noqnoqday ee u Dhexeeya Oromada iyo Soomaalida, Colaadaas ayay Ku Barakaceen dad aad u Tira Badan oo u Gudbay Xadka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga