Booliska Soomaaliya ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu waxyaabaha qarxa ku dhex qarxiyay xafiiska duqa magaalada Muqdisho xilli uu socday kulan amniga ku Saabsan.

Duqa Muqdisho ayaa ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xafiiskiisa Xili uu socday shir amniga Lagaga Hadlayey.

Ma cadda sida uu qofka is qarxiyay ay ugu suurtagashay inuu galo xafiiska duqa magaalada Muqdisho, iyadoo ay saraakiil Badan ka qeybgaleysay kulanka amniga.

“Duqa magaalada ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo hada la daaweynayaa,” Maxamed C / llaahi Tulah, ku xigeenka duqa magaalada, ayaa Sidaasi u sheegay Radio muqdisho.

“Qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka Muqdisho ayaa sidoo kale dhaawacmay,” ayuu raaciyay Hadalkiisa.

Horey wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey James Swan ayaa Maanta Xarunta kula kulmay duqa magaalada, C / raxmaan Cumar Cusmaan, sida lagu sheegay barta Twitterka.  Ee Xafiiska Qaramadda Midoobay.

Balse ilo wareedyada UN-ka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in uu ka tagay Goobta xilligii uu qaraxu dhacayay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada Lagu Weerartay Xafiiska Duqa Muqdisho, iyagoo sheegtay inay bartilmaameedsanayeen ergayga cusub ee Qaramada Midoobay James Swan oo Maanta Goor Horre la kulmay Duqa Magaalada Muqdisho. 

Xaaladda Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa Sidoo Kale lagu tilmaamay mid “halis ah”.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga