Ilaa Afar Wasiir Oo Ka Tirsanaa Gollaha Wasiirada Ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Theresa May ayaa iscasilay iyagoo is casilaadda La Xidhiidhiyay Heshiiska Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Midawga Yurub.

Wasiirkii Ingiriiska u qaabilsanaa wadda xaajoodka Yurub Iyo Wasiirkii Shaqada iyo cunnada Ayaa Ka Mid Ah Wasiirada Shaqada, Ka Tagay Maanta Oo Khamiis Ah.

Laba iyo toban saacadood kadib markii ay Ra’iisal Wasaare Theresa May sheegtay in golaheeda wasiiradu ay ku raaceen heshiiska ka-bixitaanka midawga yurub kadib kulan qaatay shan saacadood, ayay timid iscasilaada wasiiradu iyagoo tibaaxay inaanay taageri karin heshiiskan qabyada ah.

“Go’aanka midaysan ee dawladdu wuxuu ahaa inay golaha wasiiradu aqbalaan heshiiska iyo go’aamada lagu dhawaaqayba,” ayay tidhi Theresa May.

Wasiirka Wadaxaajoodka Yurub Ayaa Noqonaya Wasiirkii Labaad Ee Iska Casila Xafiiskan Oo uu La Wareegay Bishii July Kadib Markii Wasiirkii Ka Horeeyay Ee David Davis uu Iscasilay, Xili ay Theresa May Doonayso Inay Ku Guulaysato Dhamaystirka Heshiiskan.

“Waan Ka Xumahay Inaan Sidaa Idhaahdo, Iyadoo Shalay ay Golaha Wasiiradu Ka Shireen Heshiiska, Waa Inaan Is Casilo,” Ayuu Yidhi Wasiirka Wadda Xaajoodka Midowga Yurub.

Iscasilaada Wasiiradan Ayaa Waji Gabax Ku Noqonaysa Ra’iisal Wasaaraha Ingriiska Theresa May Oo Cadaadis Xoogan KAla Kulmaysa Xisbiga Ay Xafiiltamaan Ee Labour-Ka, Isagoo Hogaamiyaha Xisbigaas Jeremy Corbyn oo Si Way U Dhaliilay Tallaabooyinka Ay Qaadayso Theresa May.

Hogaamiyayaasha Midawga Yurub Ayaa 25-Ka Bishan Kulmi Doona Si Ay U Saxeexaan Go’aanka ugu Danbeeya ee uu Ingirrisku Kaga Baxayo Midawga Yurub. Iyada oo La Filayo Inuu Dalkani Ka Laalaaabto Guud Ahaanba Yurub 29 March Sanadka 2019-Ka.

Theresa May Ayaa Heshiiska Horgayn doonta Aqalka Commonska Si ay u meel mariyaan Ka Hor Intanay Britain Si Toosa uga Bixin Midawga Yurub.

23-kii june sanadkii 2016 ayay dadka ingiriisku u codeeyeen inay ka baxaan yurub inteeda kale, iyadoo afti la qabtay ay dadka dalkaaasi %52 iskuraaceen inuu wadankoodu ka madaxbanaanaado midawga yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga