Sida ay muujiyeen natiijooyin horudhac ah oo soo baxay, madaxwaynaha talada haya ee dalka Afgaanistaan Ashraf Ghani, ayaa mar kale loo doortay jagada madaxtinimada ee dalkaasi.

Mr. Ghani, ayaa kaga guulaystay codad ka badan 51%, murashaxii la tartamayay ee Cabdalla Cabdalla, kaasoo imika u muuqda inuu dawlad-wadaag ah la samayn doono madaxwayne Ghani.

Natiijooyinkan hadda soo baxay, ayaa waxay muddo ahaayeen kuwo la sugayay oo raagay, balse weli si rasmi ah looguma wada dhawaaqin, waana natiijooyin horudhac uun ku kooban illaa hadda.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga