Gudoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, oo sidoo kalena ah danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan, ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay.

Shirka golaha loo dhan yahay ayaa waxaa sannadkan ay madaxda caalamku kaga qaybgalayaan hab Online ah.

Shirka, ayaa ah mid sannad kasta la qabto bisha September, iyadoo sannadkanna xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Covid-19 ku yeeshay adduunyada oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu qaadeen si ay ula dagaallamaan cudurkaasi iyo aafooyinka dhaqaale ee uu sababay.

Wakaaladda afka dawladda Soomaaliya ku hadashay ee magaceeda loo soo gaabiyo Sonna, ayaa waxay sheegtay in sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed uu ka jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan, wakaaladda afka dawaldda Soomaaliya ku hadashaa waxay sheegtay, in sii hayaha raysal-wasaaraha Soomaaliya uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaadhay heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Soomaaliya ka soo gaadhay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Wakaaladda afka dawladda ku hadasha waxay sheegtay in

Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto.

Dhammaadka bishii June ee sanadkan ayaa Danjire Abuukar Cusmaan uu ka mid noqday 21-da madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay sannadkii 1979-kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga