Warar Kala Duwan ayaa Kasoo Baxaya Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Duleedka Magaaladda Marka, ee Gobolka Shabeelada Hoose Dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa Bilaabmay Kadib Markii Ciidamo ka Tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Weerar ku Qadeen Fadhiisin ay Lahaayeen Ururka Alshabaab oo Dagaal Hubaysan Kula Jira Dawladda Soomaaliya.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u Sheegay in Dagaalku uu Khasaare Xoogan Soo Gaadhsiiyey Dhinacyadii uu Dhex Maray.

Dawladda Soomaaliya Wali Wax Faahfaahina Kama aysan Bixin Khasaaraha Dagaalkaasi Ka Dhashay.

Dagaalkan ayaa Kusoo Beegmaya Xili uu Magaaladda Marka Saaka Safar Ku Tagayey Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga