Madxaweynaha dalka Turkiga Recep Dayib Rrdogan ayaa maamulka madaxweyne Trump ku canaantay Qorshaha ay ciidanka maraykanku kaga baxayaan Gudaha suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in aanay u muuqan qorshe cad oo maraykanku nabad kaga dhigayo waqooyi bari Dallka suuriya.

Isagoo maalintii Salaasada ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen Baarlmaanka Dalka Turkigu ayuu Erdogan ku xusay in wixii uu dalkiisu balanqaday aanay waxba iska badali doonin, balse uu ka walaacsan yahay Tallaabooyinka xukuumada Washington.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hore u dalbaday in ammaan la siiyo kooxaha kurdiyiinta ee ay dalkiisa gacansaarka leeyihiin balse ay iskasoo horjeedaan dalka Turkiga.

Trump ayaa saddex todobaad kahor si lama filaan ah ugu dhawaaqay in illaa 2-Kun oo askari oo ka tirsan milatariga dalkiisa uu kasaarayo gudaha dalka ay colaaduhu baabiyeen ee suuriya.

Xukuumada Ankara ee uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku martay in ay Tirtiri doonto kooxaha kurdiyiinta, balse Maraykanka oo ay xulafo yihiin ayaa Turkiga uga digay in uu la dagaalamo kurdiyiinta.

Kooxaha kurdiyiinta ayaa ka barbar Dagaalama ciidamadda Maraykanka ee dagaalka kula jira kooxda daacish ee ka dagaalanta wadamadda ciraaq  suuriya.

Dawladda Turkiga ayaa doonaysa in ay buuxiso booska ay banaynayaan Ciidamda ameerikaanku, iyadoo sidoo kale la dagaalamaysa kooxaha kurdiyiinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga