Hoggaamiyaha ugu cadcad dhanka mucaaradka Yugaandha Bobi Wine, ayaa sheegay inuu ku guulaystay doorashadii Yugaandha, kadib markii guddida doorashada dalkaasi ay ku dhawaaqeen natiijooyin hordhac ah.

Natiijooyinkaasi ayay ku sheegeen in madaxwaynaha dalkaasi Yoweri Museveni, kaasi oo ay da’diisu tahay 76 jir uu ku guulaystay natiijooyinka hordhaca ah, inkasta oo tirinta guud aan weli lagu dhawaaqin.

Museveni ayaa madaxwayne ka ahaa Yugaandha illaa sannadkii 1986-kii, waxaana si wayn ula loolamaya Bobi Wine oo 38 jir.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaa la filayaa maalinta Sabtida ah gelinka dambe.

Wararka ugu dambeeya kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga