Doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa ka bilaabmaysa teendhada Afisyooni ee ku dhex taala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta la dooranayaa iyadoo la filayo in tartan adag uu halkaas ka dhaco.

Murashaxiinta u tartamaysa gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa kala ah:

1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo shantii sano ee la soo dhaafay kursigan ku fadhiyay. 2-Senator Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka Soomaaliya. 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka koobaad waxa ku tartamaya:

1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.

Gudoomiye ku xigeenka labaad waxa ku tartamaya:

1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed. 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose. 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji. 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade). 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

Waxa jira lacago aad u badan oo maamulada, xukuumadda Sooamaaliya iyo mucaaradku ay ku bixinayeen codka xildhibaanada, iyadoo koox waliba rabta murashaxa ay wataan in uu soo baxo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga