Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo saaray liiska qaar ka mid ah murashaxiinta laga rabo ee maamulkiisa ku metelaysa Aqalka Sare.
6 ka mid ah 8 kursi oo ay leedahay Galmudug ayuu ku dhawaaqay murashaxiintooda, waxayna kala yihiin:
1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq
Labada kursi ee Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa ka maqan liiska murashaxiinta lagu dhawaaqay.