Madaxweynihii dalka Tanzania ee bariga qaaradda Afrika ayaa ku geeriyooday magaalada Dar E Salaam ee ugu wayn dalkaTanzania.

John Magufuli oo ahaa 61 jir ayaa muddooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun asiibay, iyadoo laba todobaad wax ka badan aan lagu arag fagaarayaasha.

Madaxweyne ku xigeenka Tanzania oo imika loo cumaamadayo madaxweynaha dalkaas ayaa xaqiijisay geerida John Mgufuli, oo intii uu dalkan u talinayay saamayn ballaadhan yeeshay.

Madaxtooyada ayaa sheegaysa in Magufuli uu u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ka asiibay, balse mucaaridka dalka Tanzania waxay iyagu warbaahinta u sheegeen in madaxweynuhu uu u dhintay fayraska Covid-19 oo muddo ka hor ku dhacay.

Samia Suluhu Hassan, oo iyana 61 jir ah, ayaa isu diyaarinaysa in ay la wareegto talada dalkan ku yaala bariga qaaradda afrika. Waa gabadh muddo dheer kasoo shaqayn jirtay arimaha bulshada ka hor intii aanay noqon madaxweyne ku xigeenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga