Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay kadib weerar la sheegay in kooxda Xuutiyiintu ay ku qaaday masaajid iyo goob wax barasho gudaha dalka Yemen.

Illaa 29 qof ayaa la sheegay in ku dhinteen gantaalada Xuutiyiinta oo lagu sheegay nooca rabadhka ahaa, halka tiro ka badanna lagu dhaawacay.

Waa gobolka Marib oo bilihii lasoo dhaafay bartilmaameed u ahaa kooxaha Xuutiyiinta, ayna ku dagaalameen ciidamada dawladda la aqoonsanyahay.

Bishii September oo keliya, in ka badan 10,00 oo qof ayay Qaramada Midoobay diwaan galisay in ay ku barakaceen gudaha gobolka Marib. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga