Xarakada Ansaaru Allaah, ee xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarayad ah, nooca aan duuliyaha lahayn. Diyaaraddana ayaa ku soo dhacday gobolka Sacda. Telefishanka ku hadalka Afka Jabhaddan ayaa sheegay inay soo rideen xilli hore, oo maanta ah. Waxa kale oo ay sii raaciyeen inay 25 jeenaweri na ay soo rideen diyaarad noocan oo kale. Sucuudiga iyo xulufada carbeed ayaan ka hadal diyaaraddan kusoo dhacday gobolka Sacda oo xuduud la leh Sucuudiga.

Xarakadan ayaa dhawr jeer gantaallo baalisti ah ku tuuray dhanka Sucuudiga, laakiin Sucuudiga ayaa sheega inuu ka hor tagay gantaaladani inta aanay kusoo dhicin dhulka Sucuudiga. Hore ayaa loo faafiyay Daawashooyin tilmaanaya gantaal ku dhacay meel u dhaw madaarka magaalada Jidda.

sucuudiga iyo xulafadan uu hogaaminayo ayaa dagaalkan ku jira tan 2015, illlaa hadana ma jiro wax horumar ah ooo laga gaadhay in laga xoog roonaado, xuutiyiinta oo qayb ahaan dalka ka taliya, ka dib markii ay dagaal ku qaadeen dawladdii sharciga ahayd ee ka talinaysay dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga