Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan joojisay xuska sanad guurada 60-naad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidamada xooga Soomaaliya.

War kasoo baxay dawladda ayaa lagu sheegay arintan, iyadoo lagu sababeeyay khatarta fiditaanka caabuqa Coronavirus oo hadda dalka Soomaaliya gaadhay marxaladda faafitaanka bulshada.

Soomaaliya ayaa u nugul caabuqa Covid-19 maadaama aanu dalku haysan adeegyadii u saamaxayay in uu la dagaalamo caabuqa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga