Garyaqaanada u doodaya madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa codsanaya in si dhakhso ah loo gudo galo cod u qaadidda in xilka laga xayuubiyo madaxweynaha iyo in kale.

Maalinta Salaasada ayay aqalka sare ee baarlamanka Maraykanku u fadhiisanayaan dhagaysiga ugu horeeya ee dacwadda ka dhanka ah Trump oo lagu eedeeyay in uu handaday nidaamka cadaaladda isla markaana ku takri falay awoodda madaxtinimada.

Aqalka Konngareeska ayaa hore xilka uga qaaday Trump, balse waxa loo baahnyahay meel-marinta aqalka sare ee Senate-ka. Hadii Senate-ku ay ku raacaan Koongareeska, Trump wuxuu si rasmi ah u waayi doonaa xilka, iyadoo ay suurtagal tahay in la maxkamadeeyo. Balse xisbigiisa oo ku badan aqalka odayasha ayaa rejo galinaysa madaxweynahan ka warwarsan in xilka laga xayuubiyo.

Fariimo aan kala go’ lahayn oo cabsi badani ka muuqato ayuu tan iyo markii ay dacwadiisu bilaabantay ku baahinyay bartiisa Twitter-ka, halka uu hadalo badan oo is-diidayana ka jeediyay goobo kala duwan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga