Sucuudiga iyo wadamada kale ee uu xulafada la yahay ayaa duqaymo cusub ka fuliyay magaalada Sanca ee caasimadda waddanka Yemen, taas oo sanadihii danbe ay gacantaku hayeen xoogaga Xuutiyiintu.

Xulafadu waxay markan bar tilmaameedsatay xarumo ay ku suganyihiin ciidamada Xuutiyiintu iyo shaybaadho lagu farsameeyo diyaaradaha la hago ee drone-ta loo yaqaano.

Duqaymahan cusub ayaa yimi maalin kadib markii Sucuudigu uu duqeeyay xarun uu shegay in Xuutiyiintu ay ku farsameeyaan gantaalada rabadhka ah oo ku taala isla magaalada Sanca.

Ma jiro khasaare illaa imika lagasoo sheegay goobaha uu Sucuudiga iyo xulafadiisu ay beegsadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga