Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa shaaciyay in uu saxeexi doono qorshe uu ku joojinayo dhammaan muhaajiriinta dalka Maraykanka, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka.

Qaraarka Trump ayaan la ogayn sida uu u saamayn doono muhaajiriinta gudaha, lacagaha lagu kabo iyo tallaabooyinka uu ka qaadi doono, balse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in tallaabadani aanay ahayn mid habboon.

Donald Trump ayaa go’aankiisa sabab uga dhigay caabuqa Covid-19 iyo si uu u badbaadiyo shaqooyinka ay hayaan muwaadiniinta dalkiisu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga