Warsaxaafadeed kasoo baxay, wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulan maanta ka dhacay xafiiska wasiirka wasaaraddaas, lagu gorfeeyay, sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya wasaaradda iyo TV-yada madaxa bannaan.

Warsaxaafeedka wasaaradda kasoo baxay, ayaa lagu yidhi: ‘’Wasaaraddu waxay go’aamisay, in Telefishanada madaxa bannaan warark ay soo tebiyaan soo horraysiiyaan wararka ku saabsan jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aynu kala nahay laba dawladood, sidoo kale wararka Soomaaliya ay ku daraan, wararka dibadda’’
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yidhi, waxaa uu go’aankani dhaqan galayaa maanta oo ay bisha sagaalaad tahay sagaal.

Hoos ka akhriso warsaxaafeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.


Kala soco wararkii ugu dambeeyay, Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga