Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa goaamiyay in albaabada loo laabo goobaha barashada Diinta, dugsiyada iyo Mowlacyada,iyagoona dadweynaha kula taliyay inay guryohooda ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19, sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya ee Sonna.

”Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xawli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub.

Sidaas darteed, waxay wasaaraddu soo saartay:

” Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”

Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada. ayay sheegtay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga