Shalay ayay ahayd markii goalah wakiillada Somaliland, ay ansixiyeen xubno bedeli doona guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ee imika, kuwaas oo tiradoodu ahayd lix xubnood, ansixintaas oo ay aad uga soo horjeedsadeen labada xisbi mucaarad iyagoo sheegay inuu madaxwayne Muuse Biixi aasay Dimuquraadiyaddii.

Haddaba maanta waxaa warfidiyeenka la hadlay, Xasan Yuusuf Ducaale, oo isagu xisbiga UCID ay usoo xuleen inuu noqdo komishanka doorashooyinka qaranka.

Xasan oo la waydiiyay sida uu u arko ansixinta la ansixiyay ayaa yidhi: ”Waxay ahayd wax aad u wanaagsan, waana wax aad loogu farxo, waana masuuliyad culus oo loo qabanayo ummadda iyo qaranka, waana xil aad u culus oo u baahan taxadirkeeda iyo masuuliyaddeeda, markaa aad baan ugu faraxsanahay”

Mar la waydiiyay sida uu u arko go’aanka xisbiga soo doortay ee UCID uu ku diiday, ayuu sheegay inaanay jirin wax ay isaga iyo xisbigu ka wada hadleen, basle uu rejaynayo in xisbiyadu isku iman doonaan oo la dhammayn doono khilaafka taagan.

Xasan, ayaa beeniyay inuu khilaafay go’aanka xisbigooda, isagoo ku sheegay wararka suuqa wareegayaa inaanay wax jira ahayn.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka iyo geyga Soomaalidu degto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga