Dagaalka Libya ayaa mar kale xoogaysanaya. Xoogaga dawladda ayaa ku dhaw deegaano muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jeneraal Khaliifa Xaftar.

Afhayeen u hadlay dawladda fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ee ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in wax uu ku tilmaamay xoraynta magaalooyinka Sirte iyo Jufra ay ka dhakhsa badnaan doonto dhammaan dagaaladii hore ay ula galeen Xaftar.

Magaalada Sirte ayay ciidamada dawladdu rabaan in ay qabsadaan. Dawladda ayaa sheegaysa in calooshood u shaqaystayaal badan lagusoo daadgureeyay magaaladan xeebta kulaalaysa, oo ah meesha ay ku yaalaan teerminaalada ugu waawayn ee laga dhoofiyo shidalaka Libya.

Ciidamo Ruush ah ayaa magaalada jooga, waxaana dhawaan la keenay hub lagu difaaco oo u badan dhanka cirka.

Qaramada Midoobay ayay xukuumadda raysalwasaare Faayis alSiraaj ka dalbatay in ay cuna qabatayn kusoo rogto aagaga uu haysto Xaftar, si ay uga istaagaan dhaqdhaaqa dibadda. Waxa xusid mudan in Xaftar ay taageerayaan Maraykanka, Faransiiska, iyo Ruushka oo dhammaantood awood ku leh Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Tripoli waxay xustay in masuuliyada wixii ka yimaada dagaalada ay qaadayaan wadamada carbeed ee taageeraya Xaftar. Dawladda Masar ayaa hadda la sheegayaa in ay ciidamo badan usoo dirayso Xaftar si ay uga gacan siiyaan in uu difaacdo deegaanada uu haysto oo muhiim u ah danaha dhaqaale ee wadamada Xaftar badhitaaraya.

Xoogaga Xaftar ayaa la filayaa in ay difaacdaan saldhiga Jufra iyo magaalada Sirte, oo hadii lagala wareego ay ku adkaan doonto in ay sii haystaan deegaanad kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga