Xisbiga Waddani oo ka mid ah labad xisbi ee mucaaradka ah Somaliland ayaa maalintii labaad Shirweyne ku qabsanaya magaalada Hargeysa.

Waa shirweynihii labaad ee xisbigu uu qabsado tan iyo markii uu noqday xisbi buuxa dabayaaqada sanadkii 2012.

Shirweynahan waxa lagu dooran doonaa gudoomiye cusub oo uu Waddani yeelan doono, iyadoo noqonaysa markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee gudoomiye xisbi oo aan noqon madaxweyne uu jagadaas baneeyo, waxaana jagadan banaynaya Cabdiraxmaan Cirro oo isagu kaliya noqonaya murashaxa madaxweyne sanadka 2022 doorasahda dhacyasa.

Shirkan waxa sidoo kale lagu dooranayaa gudoomiye ku xiegenada xisbiga, iyadoo ay u codayn doonaan ergada ka qayb galaysa shirkan

ASAASKII WADDANI

Xisbiga Waddani waxa la aasaasay sanadkii 2011, markaas oo uu ahaa urur u tartamay in uu xisbi noqdo. Sanadkii 2012 ayuu noqday xisbi buuxa kadib markii uu kusoo baxay doorashooyinkii golaha deegaanka oo go’aaminayay cidda xisbi noqonaysa.

Aasaaska Waddani ayaa ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay xisbiga UCID taas oo keentay in xubno ka tirsan UCID ay garab gaar ah samaystaan, iyagoo markii danbe Waddani unkay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa tan iyo aasaaskii xisbiga ka ahaa gudoomiye, iyadoo lagu doortay shirweynihii koobaad ee xisbiga sanadkii .

Waxa la filayaa in maanta xilkaas (gudoomiyaha xisbiga|) loo doorto Xirsi Xaaji Cali Xasan oo sanadihii ugu danbeeyay ka tirsanaa xisbiga Waddani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga