Bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midooay, Farhan Haq, ayuu ku sheegay in xoghayaha guud António Guterres uuugu yeedhay dhammaan dhinacyada Soomaaliya “is xakameeyaan oo ay is dejiyaan”.

“Xoghayaha guud wuxuu ku boorinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalku, inay si deg deg ah isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis-siyaasadeed oo ku saabsan waddada loo marayo doorashooyinka qaranka, iyadoo la waafajinayo qaabka doorashada ee 17ka Sebtember”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxa qaramada midoobay ayaa sidoo kale ku baaqay “in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isku imaatinka nabada iyo xorriyatul qowlka” wuxuuna ku celceliyey taageerada buuxda ee UN-ka ay la garab taagan tahay shacabka iyo dawladda Soomaaliya waddada ay u marayaan “nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada”.

Dhanka kale bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka carabta, oo uu Saab TV helay ayaa lagu yidhi:

”Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada kasii daraysa ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah.

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay ugu baaqday dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo dhammaan dhinacyadu inay muujiyaan heerarka ugu sarreeya ee ”is xakamaynta” si loo gaadho himilooyinka Soomaaliya ee ah in la dhiso mustaqbal xasilloon.

Imaaraadku wuxuu caddeeyay inuu taageerayo dhammaan dedaallada caalamiga ah iyo dedaallada lagu doonayo in lagu qabto doorasho ”hufan” oo xalaal ah waxayna ku boorisay dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada.

Imaaraadku wuxuu muujiyey rejadiisa ahin xasillooni ay ka hirgasho Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda qaran isla markaana loo fuliyo himilooyinka shacabka walaalaha ah”

SAAB TV, isha xogta laga helo.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga