Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa mar uu shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, waxaa uu sheegay in uu ka war hayo wararka sheegay in Fayraska Coronavirus uu ka soo baxsaday shaybaadh Fayrasyada lagu baadho oo ku yaalla dalka Maraykanka.

Madaxwayne Trump waxa uu sheegay oo kale inay dawladda Maraykanku ay isku dayayso sidii ay go’aan uga gaadhi lahayd haddii cudurka Coronavirus uu asalkiisu ka yimi dalka shaybaadhka ku yaalla magaalada Wuhan.

Kadib shirka jaraa’id ee madaxwaynaha Maraykanka, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Shiinaha ugu yeedhay inay caddayso waxa ay ogtahay, Mr. Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku waxa uu sheegay in Coronavirus uu ka yimi shaybaadh ku yaalla magaalada Wuhan kaas oo looga dan lahaa hub ahaan.

Wararka ay werinayaan warbaahinta Maraykanku, ayaa sheegaya in coronavirus uu ka yimi shaybaadhka la yidhaa Wuhan Institute of virology, kaas oo aan wax badan ka fogayn suuqa lagu iibiyo hilibka xayawaanka, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in qof ka tegay shaybaadhkan oo tegay suuqaasi uu halkaa ku faafiyay.

Telefishanka Fox News ee dalka Maraykanka oo ka hadlayay Coronavirus, ayaa waxaa uu sheegay in Shiinuhu ay rabeen inay adduunka tusaan sida ay ula dagaallami karaan Fayrasyada iyagoo rabay inay muujiyaan inaanu Maraykanku awood u lahayn taas.

Dagaalka Cusub ee Shiinaha iyo Maraykanka, ayaa u muuqda mid weji kale isku bedelaya kaasoo markii hore sal looga dhigi jiray tacriifadaha iyo arrimaha dhaqaalaha, balse khatarta Fayrs ku dagaallanka ayaa aad uga halis badan sidii hore.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga