Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa booqanaya Israa’iil xilli hoggaamiyeyaasha dalkaasi ay isku diyaarinayaan inay sameeyaan xukuumad wadaag ah iyo inay sheegtaan daanta galbeed ee la haysto.

Safarka xoghaye Pompeo, ayaa imanaya xilli xaasaasi ah oo uu dunida ka jiro xanuunka safmarka ah ee Coronavirus kaas oo saamayn ba’an ku yeeshay isku socodka dadka adduunyada iyo safarrada caalamiga ah ee hawada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa la kulmi doono raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Benny Gantz, oo ah iyagu kuwa kawada shaqayna sidii ay usoo wada dhisi lahaayeen dawlad wadaag ah.

Masuuliyiinta waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay maalintii Jimcihii in si aad ah loo xakamayn doono kulamada masuuliyiinta si looga taxadarro Coronaha-, Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ay warbaahintu wax ka waydiisay in ujeedka safarka Mr. Pompeo ay kamid yihiin inuu kala hadlo masuuliyiinta Israa’iiliyiinta dhulka ay sheeganayaan, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa ku caan baxay raalli ka ahaanshaha dalabka Israa’iiliyiinta, balse madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, ayaa waxaa uu sheegay haddii ay Israa’iil sheegto daanta galbeed, inaanay waxba ka jiri doonin heshiisyadii ay wada gaadheen labadooda dhinac oo dhan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga