Shir jaraa’id, oo ay qabteen labada xisbi-mucaarad ee Somaliland, ayaa waxaa ku sheegeen inay aqbaleen go’aamadii ay soo jeediyeen guddidii dhexdhexaadinta aha ee ay u dhexaysay xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda.

Guddida, ayaa maalintii shalay ahaa sheegay inay ku talinayaan in lasoo celiyo guddidii doorashooyinka ee hore, kuwaasoo muddo iyaga laysku khilaafsanaa iyadoo ay xisbiyada mucaaradka qaarkood madaxdoodu kuba tilmaameen inaanay dhex u noqon karin.

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay go’aamada guddida dhexdhexaadinta ah, ayaa sheegtay inay iyagu raaci doonaan waxa uu sharciga Somaliland, balse wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ogol yihiin.

Labada wasiir ee xukuumadda u hadlay, oo kala ah wasiirka wasaaradda warfaafinta Saleebaan Cali Koore iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kuwaasoo Mudane Koore uu sheegay inay raaci doonaan waxa uu sharcigu ka qabo, halka Maxamed Kaahinna uu sheegay inay soo dhawaynayaan.

Weli si rasmi ah looma oga go’aanka madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu ka qaadan doono arrintan.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga