Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland in ay ku fashilantay xalinta khilaafaadka ka taagan Goboladda Bariga Soomaaliland.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta kula Hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay ciidamo reer soomaaliland oo ku sugnaa Gobolka Badhan, hasayeeshee shalay u talaabay dhinaca Puntland

“Illaalinta Xuduudaha Qaranka Somaliland waxay u baahan tahay Masuul xilkasnimo leh balse uma baahna Masuul u yimi Kursiga Hanti urursi Xoolaha ummada ah,” Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jama Batuun

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leenahay Muusi Biixi wuu tagayaaye yaan la kala tagin, 30 Sanno waa marki kobaad ee Calanka Somalinad dhulka la dhigo, Arinta Sanaag berri waxay daliil u tahay Hoggaamin aan xuduudo qaran sugi karin laakiin xoolo Urursi u timid”

 

Warkan oo faahfaahsan goor dhaw kala soco SAABTV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga