Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa ka hadlay dhaawacii maalintii shalay ahayd magaalada Hargeysa loogu gaystay xildhibaan ka mid ah Golaha Wakiilada ee Somaliland, Axmed Nuur Guruuje.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani oo xarunta xisbiga kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay ” in taageere ka tirsan xisbiga Kulmiye uu dhaawaca u gaystay xildhibaanka.” Wuxuu intaa ku daray in ahdii arintan wax laga qaban waayo ay keenayso in qof waliba uu dagaalamo.

“ Shalay Qaranka JSL waxa soo gaadhay dhaawac weyn, Xildhibaan Guruuje waa xildhibaan huwan astaantii Qaranka oo ummadi soo dooratay, waxaana shalay gacan saaray xubin ka mid ah taageerayaasha Kulmiye ee waliba sida gaarka ah ugu dhaw ee sida gaarka ah indho la’aanta ugu difaaca Madaxweynaha ee sida gaarka ah indho la’aanta ugu difaaca Kulmiye iyo xukuumaddiisa, Waxaa nasiib darro ah in aan dhaawaca xubinta Kulmiye ka tirsan maalinta cad gaystay aan ilaa hadda wax tallaabo ah laga qaadin waxaanay tusaysa in aan caddaaladda loo sinayn, ” ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaan Guruuje uu dhaawac soo gaadhsiiyay mid ka mid ah madax dhaqameedka beesha uu kasoo jeedo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga