Xisbiyada Mucaradka Dalka Ayaa Si Isku Mida Walaac Uga Muujiyay Shirkad Hadal Hayteedu Maal Mihii U Danbeeyay Ku Badnayd Somaliland Oo Laga Hirgaliyay Dalka isu Taga Emarite Ka Carabta

 

Hadaba Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Maanta War Saxaafadeed Ka Soo Saarey Mawqifkiisa Ayaa Waxa Uu Udhignaa Sidani
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Asaga Oo Ka Duulayaa Shuruucda Iyo Xeerarka Maalgashi Ee Dalka U Yaala Sidoo Kale Isaga Oo Fulinaaya Siyaasada Maalgashi Ee Xisbiga U Yaala

 

Xisbiga Caadalaada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxa Uu War Galinayaa Dhamaan Shacbiga JSL
Golayaasha Sharci Dajinta Saxaafada Iyo Xukuumada JSL In Xisbiga Ucid Uu Daraasad Qota Dheer Ku Samaynayo Shirkada Maalgashi, Ee Somaliland Invasment Company Limited,Ee Laga Diwaan Galinayo Dalka Isutaga Imaraatka Carabka

 

Daraasad Uu Xisbiga Ucid U Saaray Gudi Khubaro Ah Oo Ku Xeel Dheer Arimaha Maalgashiga Iyo Sharci Yaqaano

 

Gudidaas Oo Uu Hormuud U Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysa Cali Waraabe

 

Sidaas Awgeed Waxa Uu Xisbiga Ucid Bulshada Somaliland La Wadaagi Donaa Xogta Rasmiga Ah Ee Kasoo Baxda Daraasadan

 

Waxaana Warsaxadeed Ku Saxeexna Gudoomiye Ku Xigenka Kowbaad Ee Xisbiga Ucid Ahna Kusimaha Gudoomiyaha Mudane Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni

 

Shirkadani Maalgashi Ee Laga Hirgaliyay Dalka Isutaga Imaraatka Carabta Ayaa Aanay Wali Cadayn Cid Iska Leh Ayadoo Ay Ku Saxeexan Yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Iyo Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Imaraatka Carabta In Kasta Oo Labada Masuulba Ay Shegeen In Shirakadani Somaliland Leedahay Balse Su Aasha Ay Shacabka Somalilnad Is Waydiinayaan Ayaa Ah Hadii Ay Shirkad Somaliland Leedahay Ay Tahay Maxaa Ku Koobay Laba Shakhsi In Ay Ku Calaamad Sanadaan Hantida  Qaranka

 

 

Website : https://www.saabtv.com/

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga