Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gabi ahaanba laga qaaday Ilaaladii u gaarka aheyd taasoo sababtay sida ay hadalka u dhigeen in ay guryaha ka soo bixin waayaan. 

Senator Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeysay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage inuu uruursaday ilaalada xildibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Senator Nuura ayaa intaa ku dartay in iyada laga qaaday Saddex askari oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo ilaalo u ahaa, waxayna sheegtay in ayna garaneyn sababta ka danbeysa arintan. Waxay intaa ku dartay in Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan CabdiKaafi sidoo kale laga qaaday ilaaladodii, iyagoo aan loo sheegin sababteeda. 

Madaxweyne Farmaajo ayay ka codsatay inuu arintan wax ka qabto, taliyaha xoogga dalka ayay xustay in ay la xidhiidhay balse aanu kasoo jawaabin. 

Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya in ilaaladooda looga yeedhay xarunta Villa Baydhabo, halka qaar kalana ay tibaaxeen in looga yeedhay xarunta taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga