Xildhibaanad cusub ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ah kuwo ay kala duwan yihiin shaqaooyinkii ay hore usoo qabteen iyo sidoo kale aragtiyahooda ku wajahan siyaasadda iyo kooxaha argagixisada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada waxa lagu tirin jiray in ay u janjedhaan dhanka alShabaab inkasta oo aragtiyo ay mar danbe qaateen ay wax bedelayaan.

Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar oo ka mid ah baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa ah xildhibaanka ugu danbeeyay ee lagu eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay alShabaab.

Xildhibaan Cali ayaa beeniyay wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya alShabaab isagoo si kale u fasiray muuqaal laga baahiyay oo ahaa sanadkii 2014.

Sanadkii 2014 ayuu xildhibaanku alShabaab ku tilmaamay “Wilaayada Islaamiga”, taas oo keentay in shaki laga muujiyo.

Xildhibaanku wuxuu xusya in uu markaas booqday dugsi ku yaala Ceelcadde oo uu gacanta ku hayay, deegaankana ay maamulaysay alShabaab isla markana uu ku khasbanaa in uu adeegsado ereygaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga