Xildhibaannada Aqalka Sare Somalia Ayaa Kulan Ay Maanta Yeesheen , Waxay Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyeen In Shirkadda Dp World Dalka Soomaaliya laga Caydhiyo.

Waxaa Ogolaaday Xeerka 28 Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare 6 Ka Mid Ah Xubanaha Aqalka Sare Ayaa Diiday Halka 2 Mudane Ay Ka aamuseen, Taasi Oo Ka Dhigan In Kulanka Ay Soo Xaadireen 36 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/Laahi Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Xeerkan Uu Ka Gudbay Golaha Aqalka Sare Wixii Hada ka Dambeeyana Uu U Gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Isniintii Sharci Daro Ku Tilmaamay Heshiisyadii Ay Shirkadda Dp World la Gashay Somaliland,

 

(Waxaa Ka Waramaya Wariyaha Saab Tv Muqdisho Maxamed Yaxye Jiinow)

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga