Xildhibaanad caan ka ah gudaha waddanka Ingiriiska isla markaana ka tirsan xisbiga laga adkaaday ee Labour Party ayaa la arkay iyadoo xidhan kabo aan islahayn xili ah codkeeda dhiibanaysay.

Diane Abbot, oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Labour-ka ayaa gashay olole xoogan, ka hor doorashada xisbigeeda lagaga adkaaday. Iyadu waxay ka tirsantahay aqalka Commons-ka ee baarlamanka, waxayna codad badan ku difaacatay kursigeeda.

Mrs Abbot ayaa la sawirnayd gabadh kale oo xildhibaanad ah isku xisbina ay ka wada tirsanyihiin.

Hadii uu xisbigeedu soo bixi lahaa waxay noqon lahayd wasiirka arimaha gudaha Ingiriiska.

Sawirkeeda ayaa qabsaday baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga