Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo laga soo doorto gobolka Minnesota , ayaa waxa isku dhaceen weriye ka tirsan TElefiishanka Foxnews Tucker Carlson, waxaana ay ku tilmaantay in yahay cunsi cad.

Waxa ay weriyaasha u sheegtay in uu yahya fuley cunsuri ah, iyada oo intaas ku dartay in aanu helin fursad uu dalka kaga mamnuuco iyada.

Fiidnimadii maalintii salaasadii, ayuu Carlson sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in Mareykanku fursad u siiyey iyada oo ahayd muhaajirad.

Ilhaan oo carruur ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ka qaxeen Soomaaliya , waxaana ay fursad qaxoonti ku ahayd Soomaaliya, ka hor intii aanay Mareykanka ka helin magangalyo.

Sannadkii 2018 ayaa Congress-ka loo doortay, waana mid ka mid ah labadii haween ahaa ee Muslim ah ee ugu horeeyay ee Congress-ka loo doorto.

Carlson waxa uu sheegay inkatsoo ay guulo gaadhay, hadana ay tahay maxsuulka nidaamka socdaalka ee aan deganayn ee khatarta badan.

Waxa uu soo jeediyay si deg deg ah wax ka badel loogu sameeyay nidaamka socdaalka

Waxa uu tixraacayey maqaal uu daabacay wargeyska Washington Post, uu Ilhan ku sheegtay in ay ka niyad jabsantay cadaalad darada ka jirta Mareykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga