Baarlamanka dalka iran ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar dhamaan ciidamada dalka Maraykeka ku suntaya in ay yihiin Argagixso.

Qaraarkan ayaa imanaya hal maalin kadib markii dawladda Maraykanku ay sheegtay in aan dalna loo ogolayn in uu iibsado saliida dalka iran, kadib cunaqabatayntii uu maamulka Trump kusoo rogay Xukuumada tehran.

Qaraarkan ayaa noqonaya talaabo kale oo sii xumaynaysa xiisada u dhaxaysa xukuumadaha tehran iyo Washington, iyadoo markii hore iran kaliya u aqoonsatay in ay yihiin argagixiso ciidanka ameerikaanka ee ku sugan gobolka bariga dhexe, balse markan waxay dhamaan ciidanka Maraukenka u aqoonsanaysa in ay yihiin Argagixso khatar ku ah amaanka caalamka.

Dalka Maraykenka ayaa hore kacaanka dalka iran ugu aqoonsaaday argagxiso, taas oo taallabada tehran ka dhigaysa in ay daba socoto go’aankii hore ee dawlada Maraykenka oo imika laga joogo muddo bil ah.

Maamulka Madaxwayne Trump ayaa maalintii isniinta sii xoojiyay caadaadiska uu Dawladaha caalamka ku saarayo in aanay iibsan saliida iran. Taas oo looga danleeyay in suuqyada caalamka laga Tirtiro saliida dalka iran, isla markaana meesha laga saaro baahideeda.

Inkasta oo dawlada Maraykenku ay soo celisay cilaqaadkii ay la lahayd dalka iran, qaybna ka ahayd heshiiskii Nukliyeerka ee u dhexeeyay iran iyo Quwadah caalamka, hadana tan iyo markii uu xafiiska yimi Donald Trump waxaa xumaaday xidhiidhka tehran iyo washington isagoo ka Baxay dhamaan heshiiyadii ay kala galeen Dawladii ka horeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga