Xiisad culus ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida ay kusoo waramayaan war-tebiyayaashayada ku sugan gudaha magaalada Beledweyne.

Mid ka mid ah madaxda gobolka Hiiraan, Cali Dheere, ayaa isna qaadacay isla markaana diidmo ka muujiyay in mdaxweynaha Hirshabeele maanta booqasho ku tago magaalada Beledweyne.

Waxa xusid mudan in kuraas ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya maanta lagu dooranayo magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba isku dhacyo ka qarxa magaalada maadaama ay ku suganyihiin ciidamo is diidan oo ka kala amar qaadanaya dhinacyo isu dhaarsan.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono balse wararka kasoo kordha xaaladda Beledweyne kala soco SAABTV.COM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga