FILE PHOTO: Participants hold a British Union flag and an EU flag during a pro-EU referendum event at Parliament Square in London, Britain June 19, 2016. REUTERS/Neil Hall

Madaxweynaha waddanka Faransiiska ayaa sheegay in aanu hubin waxa ka suurtagali kara wadahadalka lagu wado in la bilaabo bisha soo socota ee March, kaad oo u dhaxeeya dalka Ingiriiska iyo Midawga Yurub.

Wada-xaajoodka ayaa daaran sida uu u ekaan doono xidhiidhka ganacsi ee dhex maraya wadamada Midawga Yurub iyo waddanka Ingiriiska oo isagu ka baxay midawga intiisa kale horaanta bishan aynu ku jirno.

Emaneul Macron wuxuu xusay in wada-hadalka soo socda uu noqon doono mid adag, oo wax walba la lafo-guri doono, xili aanay wadamada ugu waawayn Yurub, sida Faransiiska iyo Jarmalku aanay ku niyad samayn bixitaanka Boqortooyada Ingiriiska ee Midawga.

Ka hor bisha December ee sanadkan 2020 ayay tahay in dhammaan la dhamaystiro hawlaha ka dhaxeeya labada dhinac, mudadaas oo ah inta loogu talo galay in ay si rasmi ah ugu kala xamaam urursadaan Ingiriiska iyo Midawga Yurub.

Cashuuraha, xidhiidhada-ganacsi ee wadamada dhexdooda, isu-socodka badeecadaha ee labada dhinac, iyo arimo kale oo badan ayay tahay in ay mudadaas ka heshiiyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga