Xafiiska waaxda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah la sugayay taasoo ku saabsan shirkado lala xidhiidhiyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ee ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed.

Warbixinta uu soo saaray xafiiska xuquuqda aadanuhu, ayaa waxay shaaca ka qaadday illaa 112 shirkadood kuwaas oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta ee dhinacyada guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismeyaasha ku yaal halkaas.
Shirkadahaas xafiiska xuquuqda aadanaha qaramada midoobay xusay, ayaa waxaa kamid ah  Expedia Group, Airbnb, Booking.com, iyo Motorola Solutions.


Falastiiniyiinta, ayaa aad usoo dhaweeyay dhankooda warbixinta uu soo saaray xafiiska qaramada midoobay ee dhanka xuquuqda aadanuhu iyagoo ku tilmaamay mid guul u ah shuruucda caalamiga ah, balse  Israa’iil ay dhankeeda ku tilmaantay mid lagu magac dilayo iyo fadeexad.
Tirkoobyo la sameeyay, ayaa sheegay in ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku noolyihiin illaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii.
Iyadoo bulshada caalamkuna deegaameyntaas ku sheegtay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamiga ah, balse Israa’iil, ayaa iyadu ah mid mar walba dood ka keenta deegaamaynta ay waddo. 

Dadka Falastiiniyiinta ah iyo maamulladooda taagta daran, ayaa mar walba bulshada caalamku u soo jeediyay inay Israa’iil ka saarto dhulkaas, taasi oo u muuqata imika mid aad u adag imika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga