Qaramada Midoobay ayaa Qorshaysay in Xabad-Joojin Cusub Laga Bilaabo Magaalada Xudayda ee Dalka Yemen, Xabadjoojinta ayaa La Dhexdhigayaa Kooxda Xuutiyinta iyo Dawladda Aduunyadu aqoonsatahay ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdurabbu Mansuur Haaadi.

Xabad joojinta ayaa Dhaqangali Doonta Laba Maalmood Ka Bacdi Sida uu Warbaahinta Aljazeera oo aan Warkan Kasoo Xiganay u Sheegay Afhayeen u Hadlayay Kooxda Xuutiyiinta.

Magaaladan Xeebta Ku Taala ee Xudayda ayaa Laga Arkayay iska-Horimaado Googoos ah Tan iyo Maalintii Jimcaha, Taas oo Noqonaysa Rabshadii ugu Horaysay ee Ka Dhacda Magaaladda Xudayda Tan iyo Maalintii Khamiista oo ay Waddanka Sweden Heshiis Kuwada Gaadheen Dhinacyada Ku Dagaalamaya Dalka Yemen.

Dadka Deegaanka ayaa Ku Waramay in ay Maqlayeen Dhawaqa Rasaasta iyo Qaraxa Gantaalada ee Ka Dhacaya Magaaladan ay Xutiyiintu Haystaan, Halka Ciidanka Yemen oo ay Taageeraan Xulafada ay Horkacayaan Dawladaha Imaaraadka iyo Sucuudigu ay Ku Suganyihiin Magaalada Dibadeeda.

Iskudhacyada Xudayda oo ah Marin ay Malaayiin Dadka Reer Yemen ahi ay Ka Helijireen Quudka ayaa Imanaya Xili ay Dawladda Yemen iyo Kooxda Xuutiyiintu ay Isku raaceen Xabad joojin Kadib Todobaad ay Ku Wada Hadlayeen Magaalada Rimbo ee Dalka Sweden.

Heshiiska ayaa Noqonaya Natiijadii ugu Wanaagsnayd ee Kasoo Baxda Dedaalada Nabadda ee ay Wado Qaramada Midoobay, Taas oo Lagu Doonayo in Lagusoo Afjaro Colaada Yemen oo Socota Muddo Kabadan Afar Sanno, Colaadaas oo Galaafatay Nolosha Tobanaan Kun oo Qof Halka ay Malaayiin Kalana Kaga Tagtay Macaluul Lagu Tilmaamay tii ugu Xumayd Taariikhda Caalamka Muddo Kabadan Hal Qarni.

Dagaalka Yemen ayaa Bilaabmay Sanadkii 2014-kii Markaas oo ay Kooxda Xuutiyiintu Qabsadeen Magaalada Caaaismada ah ee Sanca.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga