Gudaha Nigeria waxa laga afduubay xaakim ku sugnaa gudaha maxkamadii uu xaakimk ka ahaa iyadoo dablay hubaysani ay qaateen.
Waa gobolka Katsina ee dhaca waqooyiga dalka Nigeria, halkaas oo ay ku usganyihiin kooxo hubaysani.
Alhaji Xusayni ayaan la ogayn illaa hadda meesha ay geeyeen kooxaha huabysanaa ee afduubay, iyadoo maxkamadda uu xaakimka ka ahaa ay ahayd mid lagu xukumo dadka shareecada islaamka.
Waxa xusid mudan in xukaamta Nigeria ay ku jireen sahqo joojin isla markaana aanay jirin cid ka hawl galaysay maxkamadaha, lamana oga waxa uu ka qabanayay xaakimkani gudaha maxkamadda lagusoo jabiyay ee laga afduubay.
Booliska deegaanka Zakat ayaa warbaahinta u sheegay in aanu xaakimkani soo dalban wax ilaalo ah, isla markaana aanay ka war haynin socdaalkiisa maxkamadda.
Maxakamadda ayaa deegaankan laga raray saabo la xidhiidha amni xumo, sida uu sheegay afhayeenka booliska deegaanka u hadlay.