Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba kasoo horjeedo dhismaha maamulka Galmudug oo degmeda Dhuusa Mareeb ka socda hadda.

Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa bayaan uu soo saaray ku cadeeyay in uu kalsoonida kala noqday gudida dawladda federaalka ee wada hawsha dhismaha Galmudug.
Hore ayuu madaxweynuhu maamulka dhismaha gacanta ugu galiyay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya, balse isagoo Gaalkacayo ku sugan ayuu markan dhammaan waaxaha dawladiisa iyo wasiirada ku amray in ay shaqooyinkooda sii wataan.

Halkan hoose ka eeg warqadda uu soo saaray:

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga