Baraha bulshada badi ay isticmaalaan dadka Soomaalidu, waxaa si wayn loogu hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay, wiil kamid ah dhallinyarada magaalada Buuhoodle, kaas oo magaciisa layidhaa Guuleed Aadan Cabdi.

Guuleed, oo ay dadka qaar magaciisa ku ladheen ‘’yare, uguna yeedhaan ‘’Guuleed-yare’’, ayaa la yimi hal-abuur layaab leh oo wixii maskaxdiisa ka guuxayay gacmihiisa ku sameeyay.

Kuwani waa qaar kamid ah waxqabadyadiisa dadka soo jiitay, waa baabuurta waawayn ee xamuulka, diyaaradaha fudud iyo weliba dayax gacmeed.

Farsama-samayntiisu kuma koobna oo keliya inuu u nashqadeeyay qaabkii iyo sidii ay u samaysan yihiin, balse sida muuqaallada ka muuqaata waabay shaqaynayaan, taasi oo ah ta xiisaha gaarka ah usii yeeshay sheekada Guuleed.

Sida ay ka wada dheragsan yihiin dadka u dhuun daloolaa marka dhab loo qabanayo shaqada Guuleed, waa mashruucyo fidsan balaayiin illaa kumannaan kun oo dollar, Guuleedse bartaa uu fadhiyo ayuu ku farsameeyaa.

Naftiisa oo keliya magac uma uusoo jiidine, xitaa magaaladii uu ku noolaa ee Buuhoodle ayaa ku diirsatay guushiisa, kadib markii uu deeq waxbarasho ka helay dawladda Turkiga, halkaasi oo uu kasii korodhsan doon aqoontiisa, sida uu isaguba sheegay.

Qaar kamid ah dadka magaalada Buuhoodle ayaa xaflado ku casuumay Guuleed, dugsigii uu dhiganayay ayaa lagu sii sagootiyay sidii halyay iyadoo rejo wanaagsan laga qabo guul intan ka waawayn kana ballaadhan oo uu ku tallaabsado marka uu helo fursado kale oo badan. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga