Sirak Asfaw, oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa sannadihii todobaatanaadkii u qaxay dalka Holland layidhaa.

Ninkan, ayaa jeclaa dalkiisa Itoobiya iyo dadkiisaba, balse wuxuu naftiisa kala cararay xukunkii keliteliska ahaa ee Derg, kaasoo uu hoggaamiye ka ahaa Mengistu Haile mariam oo galaaftay nafaha dad badan oo reer Itoobiya ah.

Markii uu gaadhay dalka Holland, wuxuu arkay nin shandad ku sita ‘’Taaj’’, taajka ninku sitay ayaa ahaa mid Itoobiya laga xaday qarnigii 18aad, kaasoo ahaa astaan taariikhdeed iyo hanti dhaqan.

Sirak, ayaa ka hadhi waayay ninkii, isagoo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii uu dalkiisa Itoobiya, ugu soo celin lahaa hantidaas ka maqan.

Muddo badan oo uu qorshahaa ku jiray, Sirak waxaa u suuragashay inuu Itoobiya kusoo celiyo Taajkan, xilli uu xukunka dalka hayo raysal-wasaaraha isbedel doonka ah, Mr. Abiy Axmed Cali.

 

Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto, wararkii ugu dambeeyay adduunka.

 

Bahda Online-ka ee Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga