Magaalada Toronto ee dalka Canada waxa lagu dilay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cadbullaahi.

Haabiil ayaa ahaa 21 jir iyadoo marka la tooganayay uu la socday wiil kale oo ay saaxiib ahaayeen, waxaanay wateen baabuur wadada Dixon iyo Scarlett ee magaalada Toronto.

Booliska deegaanka ayaa wada baadhitaan ku aaddan cidda dishay wiilka ee rasaasta ku furtay, waxaanay sheegeen in rag madaw ah looga shakisanyahay dilka. Waxay ka carareen baastoolad iyo gaadhigii ay wateen, taas oo boolisku ay gacanta ku hayaan imika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga