Warbixin ay Soo Saartay Ururka Caafimaadka Aduunka ee (WHO) Ayey ku Sheegtay in Dhimashada iyo Dhaawacyadda soo Gaadha Caruurta iyo Dhalinyaradda adduunka ay Yihiin Kuwo ka dhasha Shilalka Gadiidka ka Dhaca Wadooyinka.

Sidoo Kale Warbixinta Ururku Waxay Muujinaysaa in Heerka ugu Xun Dhimashada aduunka ay ka dhacaan Wadooyinka ku Yaala Wadamadda Qaaradda Africa.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in qaar badan oo Kamida Wadamadda Afrika iyo Koonfurta Ameerika aanay weli Ku dhaqmin sharciyada ay ku Socon Lahaayeen Xawaaraha Gadiidka Maraya Waddooyin.

Warbixinta ay soo Saareen Ururka Caafimaadka Adduunka waxa kale oo ay muujineysaa in dhimashada waddooyinka caalamku ay ku xidhan yihiin tirada dadka dunida ku nool.

Shilalka ka dhasha baabuurta ayaa haatan ah Khatarta ugu weyn ee sababa geerida carruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso shan jir ilaa 29 jir, Sida ay Sheegtay (WHO).

Warbixinta ayaa Sidoo Kale Muujinaysa in dad badani ay u dhintaan dhaawacyada waddooyinka marka La Barbar dhigo Dadka u dhinta Cuduradda HIV / AIDS, qaaxada iyo Waliba shubanka.

“Dhimashooyinkan ka dhasha Wadooyinka waa Arin aan la aqbali karin Waxaanan Samayn Doonaa isbadal Deg Deg ah oo Lagaga Hortagayo” ayuu yidhi agaasimaha guud ee WHO.

Sida laga soo xigtay xogtii ugu dambaysay ee Ururka Caafimaadka Adduunka, qiyaastii 1.35 milyan oo qof ayaa Sidoo Kale Ku Dhintay Shilalka ka dhaca Badaha adduunka oo dhan, sannadihii Lasoo Dhaafay.

Khatarta ka Dhalata dhimashada Shilalka ka dhaca wadooyinka ayaa la sheegay in ay saddex jeer ay ka badan tahay waddamada dakhligoodu hooseeyo.

Laakiin inkastoo ay korortay tirada dhimashada Wadooyinka, Hadana WHO ayaa sheegtey in heerka dhimashada ka yimaada shilalka waddooyinka ay Xasiliyeen sanadihii la soo dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga