Covid-19 wali wuxuu ku fidayaa qaybo badan oo dunida ah iyadoo dhimashada iyo kiisaskuba ay kordhayaan.

Qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee dunida ayaa qarka u saaran in ay laalaabtaan, iyadoo qaarkoodna ay digniino badan bixinayaan.

Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa mar kale ka digtay in heerka dhimashadu ay gaadho halki ugu sarraysay. Hay’adda ayaa wadamada reer Yurub iyo Maraykanka ugu baaqday in ay ka taxadiraan khafiifinta xayiraadaha, iyadoo ku baaqday in la kordhiyo ilaalinta badqabka iyo shaybaadhada xanuunka.

5.5 million oo kiis ayay gaadheen tirada guud ee xanuunka laga helay, iyadoo dhimashaduna ay sare u dhaaftay 346, 000, waa xog ururintii ugu danbaysay ee jaamacadda Johns Hopkins. 2.2 million oo qof ayaa sidoo ka bogsaday xanuunka.

Wali ma jiro ifafaale muujinaya in xanuunku uu dunida hore uga baxayo, balse dedaalada lagu rabo in dawo lagu helo ayaa badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga