Wefti ka socda dawladda Maraykanka ayaa gaadhay jasiiradda yar ee Taywan, taa soo keentay in Shinuhu uu si wayn uga cadhoodo tallaabada xubno ka tirsan dawladda Maryakanka.

Tiro xildhibaano ka tirsan abarlamanka waddanka Maryakanka ayaa booqasho hal maalin ahayd oo aan lasii shaacin ku tegay caasimadda Taywan, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha si maamulka Taywan oo si wayn ugu dhawaysay caasiamdda.

Waa tallaabo la sheegay in Maryakanku uu ku muujinayo taageerada aan gabashada lahayn ee uu siinayo jasiiradda Taywan, balse waxay murginaysaa xidhiidhka ka dhexeeyay xukuumadda Beijing oo muddooyinkii dhawaa aan cago adag ku taagnayn.

Dawladda Shiinaha ayaa ka war heshay xildhibaanada Maryakanka ee ku sugan Taywan, iyadoo ka dlabatay in ay si dhakhso ah uga baxaan halkaas.

Safarkan ayaa imanaya xili Shiinaha iyo Maryakanku ay isku hayaan arimo dhawr ah oo tan Taywan ay ku jirto, waa xiisaddii ugu xumayd ee labada waddan dhex marta muddo tobanaan sanno ah iyadoo Shiinuhu uu dagaal ku hanjabay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga