Weeraro kala duwan ayaa lala eegtay goobo ku yaala magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, iyadoo qaabka ayu dhaceen ay isku mid ahaayeen.

Weerarada waxa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo dhimasho iyo dhaawacbaay ka dhasheen.

Muqdisho waxa bam lagu weeraray bar koontarool oo ku taal isgoyska Xararyaale ee degmada Warta Nabadda.

Magaalada Boosaaso waxa iyadana la weeraray bar koontarool iyo aag ganacsi.

Illaa hadda waxa ku naf waayay laba qof iyadoo tiro ka badanina ay ku dhaawacantay, lamana oga cidda ka danbaysay weeraradaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga